Dowladda qaran ayaa la weydiistay in ay waqti ku filan siiso diiwaangelinta Huduma Namba ee gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ku xigeenka gaavanaha Mandheera Maxamed Aaraay ayaa sheegay codsaday in waqtiga loo kordhiyo dadka gobolka Waqooyi Bari si ay wax badan uga bartaan is diiwaagnelinta.

Kuigeenka gaavanaha Mandheera ayaa sheegay dadka degaanka ay yihiin kuwo ku maqan meelaha baadiyaha ah si ay xoolahooda ugu helaan biyo iyo baad, sido kale waxa uu sheegay dadka xoolaleyda ah ay ku maqan yihiin wadammada deriska ah.

Maamulka Mandheera ayaa sheegay in dadka Waqooyi Bari oo u badan xoolaley ay waqti ku qaadaneyso in ay masaafada dheer jiraan ayna adag tahay in ay ka soo gaaraan 45-ta beri ee ay isdiiwaangelintu soconeyso.

Aaraay ayaa ka hadlayey furitaankii Huduma Namba ee kowntiga Mandheera waxaana halkaasi ku wehlinayey xoghayaha maamulka arrimaha isboortiga Sports Xasan Noor iyo kaamishinaaga kowntiga Mandheera Kutswa Olaka.

Malinimadii Arbacada ayaa wasiirrada arrimaha gudaha iyo wasiirka horumarinta gobolka Aadan Maxamed iyo Joseph Mucheru oo ah wasiirka teknolojiyada waxa ay gobolka Waqooyi Bari kula kulmeen hogaamiyeyaasha gobolka W/Bari si ay uga wadaxaajoodaan arrimaha diiwaangelinta Huduma Namba iyo adkeynta amniga.