Koox la soo qabtay iyaga iyo hubkii ay wateen.

Warar sirdoon ayaa soo baxaya kuwaasi oo sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay burburtay.

Waxaa la soo tebinayaa akhbaar la xiriirta in wixii ka dambeeyay markii laga dilay kooxdaasi Abaanduulahoodii lagu magacaabi jirey Ahmed Iman oo loo yiqiin Ayman ay kala carareen maleeshiyaadkii kooxdaasi ee Koonfurta wadanka Soomaaliya.

Abaanduule Ayman ayaa lagu dilay weerar dhanka diyaaradaha iskood isku haga ah ee ‘Drones-ka’ bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Diyaaradaha ayaa weeraray Ayman iyo 50 sarkaal oo kale iyagoo lagu bartilmaameeday gobolka Shabeellada Hoose halkaasi oo kala carar iyo cabsi ay kooxdu soo wajahday.

Weerarka kooxda soo wajahay kadib ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu dhacay is ugaarsi kooxahani dhex maray iyadoo uu bilowday in ay iskula dhaqaaqaan is gowrac, dilal ay hal mar intii kooxdaasi ka soo hartay xabad isku bilaabeen, abaabul iyo qorsheyn in ay is ugaarsadaan iyo kala carar ay u baxsanayaan meelo kale.

Khilaafkani hareeyay kooxaha Al-Shabaab ee meelo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa imaanaya xilli la dilay badankood hogaamiyeyaashii kooxdaasi.

Sidoo kale dagaalyahannada ajnabiga ah ayaa kala carar ku dhacay waxaana la aaminsan yahay in ay weerarada cirka ah ku kedsoomeen xilli ay shir u fadhiyeen halkaasi oo rag culusi ay ku waayeen naftooda.

Kala shaki dhexdooda ah ayaa soo baxaya, waxaana kuwa ka soo jeeda dalka Kenya ay eedeeyeen kuwa Soomaalida ah oo ay sheegayaan in ay Soomaalidu soo jaajuustay Axmed Ayman, si la mid ah sidii loo shirqoolay ninkii la oran jirey Cabdul Fazul kaasi oo isagu ka dambeeyay qaraxyadii safaaradaha Mareykanka ee Nairobi iyo Dar-e-Salaam, muddo kadibna lagu dilay duleedka Muqdisho.

Waxaa la tuhmayaa in dilkii la dilay Fazul uu qorsheeyay Axmed Cabdi Godane kaasi oo ka baqayey in ururka uu hogaanka u qabto isaga oo ka baqiilaya in qof ajnabi ka ah Soomaaliya uu la wareego Al-Shabaab iyo hogaankeeda.