Xukuumadda Mareykanka ayaa Dal-Ku Galka ama Viisaha u diiday haweenayda lagu magacaabo Fatuo Bensuoda oo dacwad soo ooge ka ah maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamiga ah ee ICC.

Go’aankani ayaa Mareykanku waxaana la sheegay in uu yahay mid Mareykanku uu uga jawaabayo baaritaanno la sheegay in Ms Bensouda ku sameyn karto gabood fallo aad u daran iyo dembiyo dagaal oo ciidammada Mareykanku ay ka geysteen dalkaasi Afgaanistaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa ka digay in Mareykanku uu Viisaha u diidi doono shaqaale kasta oo ka mid ah maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamiga ah kuwaasi oo iyagu ku lug leh baaritaannada ka dhanka ah la sheegay in lagu sameynayo arrimaha la xiriirta ciidammadiisa ka howlgalayey Afgaanistaan.

War uu soo saaray xafiiska dacwad soo oogaha maxkamadda ICC ayaa waxa lagu sheegay in xafiiska uu sii wadi doono waajibaadka kaga aadan dhanka cadaaladda caalamka “si aan cabsi iyo eex midna laheyn.”

Xoghayaha arrimaha Dibadda Mareykanka oo sheegay in haddii “Qof ka mid ah maxkamadda ICC uu isku dayo in uu baaritaan ku sameeyo Mareykanka ama shaqsi Mareykan ah oo lala xiriiriyo arrimo ku saabsan Afgaanistaan aysan u suuro geli doonin qofkaasi in uu helo viisaha Mareykanka, ama aan loo ogolaan doonin in uu gali karo Mareykanka.

Bishii Diseembar 2011-kii ayaa Bensuoda ay iska wareejisay xilka dacwad soo oogista maxkamadda dembiyada dagaalka ee caalamig ah waxaana xilkaas kala wareegay Luis Moreno Ocampo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here