Jilaaga caanka ah ee u dhashay waddanka India ee Shahrukh Khan ayaa Isniintii booqday garoonka Emirates ee kooxda kubadda cagta Arsenal kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii Newcastle ay ku tumeen 2-0, waxaana uu farxadda dabbaal-degga guushaas la qaybsaday Mesut Ozil iyo jamaahiirta Gunners.

Arsenal ayaa kaalinta saddexaad gashay kulankaas, ka hor intii aanay Tottenham kala wareegi xalay, balse hal ciyaar ah oo baaqi u ah haddii ay Gunners guuleysato, si buuxda ayay kaalinta saddexaad usoo fadhiisan doontaa.

Shahrukh Khan oo booqasho ku jooga magaalada London ayaa waxa uu kulan la yeeshay xiddigaha Arsenal, gaar ahaan laacibiinta Muslimka ah ee Xhaka, Mustafi iyo Mesut Ozil, waxaana ay isku raaceen garoonka Emirates oo ay sawirro kusoo galeen.

Ozil ayaa guddoonsiiyey Shahrukh Khan garankiisa lambar 10 ee uu u xidho Arsenal, waxaanay sawirro ku wada galeen saqafka sare ee garoonka.

Shahrukh Khan oo lagu naanayso (King Khan) ama boqor Khan, ayaa waxa si diirran usoo dhaweeyey Mesut Ozil iyo xaaskiisa Amine Gulse, waxaana farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka uu Shahrukh Khan ku tilmaamay Ozil iyo xaaskiisa oo uu ugu hambalyeeyey guusha kulankii Newcastle isagoo dhinaca kalena uga mahadceliyey soo-dhoweyntiisa, waxaana uu ka dalbaday inay yimaaddaan waddanka India.

Shahrukh Khan oo xiiseeya kubadda cagta ayaa waxa lagu xasuustaa in Koobkii Adduunka ee 2018 uu marar badan baraha bulshada qabsaday isaga oo ku faraxsan guulo amaba ka niyad-jabsan guul-darro, waxaana markii ugu weynayd ee uu hadlay ay ahayd markii uu xulka qaranka Germany 2-1 kaga adkaaday Sweden ee uu Toni Kroos goolka quruxda badan dhaliyey, xilligaas oo uu bartiisa Twitterka soo dhigay damaashaadkiisa iyo ereyo amaan ah oo uu xulka qaranka Jarmalka u jeediyey.

Qoraalkii Sharukh Khan, Ozil Oo Hindi ku hadlay iyo falcelintii qar ka mid ah halkan hoose ka akhriso:

Facebook Comments