Monica Juma. wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Xukuumadda dalka ayaa sheegtay in ay wanaajineyso xiriirka diblumaasiyadeed ee ay la leedahay dowladda wadanka Soomaaliya.

Waxa ay Kenya sheegtay in ay tillaabada koowaad tahay sidii Kenya iyo Soomaaliya ay uga tashan lahaayeen kala aragti duwanaanshahooda siyaasadeed xilli kiiskii badda uu weli hor yaallo maxkamadda cadaalada caalamiga ah.

Isbedelka dhanka siyaasadeed ee Nairobi ayaa soo baxay maalinimadii Arbacada kadib markii wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaani Kenya Monica Juma ay kulan la qaadatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Axmed Ciisse Cawad.

Kulankani ugu dambeeyay ayaa dhex maray saraakiil sare iyo diblumaasiyiin ka kala socotey labada dal, waxaana kulamadu ay soo socdeen muddo bil ah, Nairobi ayaa raadineysa in ay dejiso xiisadda kala dhaxeysa Muqdisho iyadoo haatan la gaaray qaabab kale oo xaaladda lagu dejinayo.

Kulamada waxaa dhexdhexaadinayey diblumaasiyiin ka socday Qaramada Midoobey iyo diblumaasiyiin reer Galbeed ah kuwaasi oo muhiim u ah labada dowladood.