Ciyaaryahanka reer Brazil ee caanka ah Pele ayaa la dhigay isbitaal ku yaal caasimadda Paris ee dalka Faransiiska.

Waxaa ku soo booday xumad ama qandho daran waxaana la sheegay in xaaladiisu aaney aheyn mid halis ah.

Waxaa la filayaa in la soo bixiyo muddo maalmo gudahood ah.

Saaxiibadiis ayaa ku soo waramaya in 78-jirku uu ka cabanayey caabuq dhanka kaadida ah waxaana uu mudooyinkii ugu dambeeyay qaadanayey dawooyin.

Afhayeen u hadlay ciyaaryahan Pele oo lagu magacaabo Pepito Fornos, ayaa sheegay in Pele uu ku jiro isbitaal, wax walibana ay sidii loogu talo galay u socdaan, oo ay xaaladdu wanaagsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here