Cabdelcasiis Bootefliiqa, madaxweynaha Al-Jeeriya. “Qalad waa ka dhacaa aadmiga, Waxaan cafis idinka weydiisanayaa waxyaalihii aan ku guuldareystay,” ayaa uu ku qoray warqad loo bandhigay shacabka. PHOTO | STR | AFP | Tarjumaadii weriye BURHAN BIKOLO.

Madaxweynaha talada ka degay ee dalkaasi Al-jeeriya Abdelaziz Bouteflika ayaa weydiistay dadka dalkiisa in ay cafiyaan, sida uu ku qoray warqad lagu soo bandhigay wakaaladda wararka ee Al-jeeriya.

M/weyne Botefliiqa ayaa xukunka wadankaasi soo hayey 20 sano, waxaana uu sheegay in uu “aad ugu hanweyn yahay” waxqabadkii uu u sameeyay dalkiisa waxaase uu garowsaday dib u dhacyadii iyo waxyaalihii ay ku guuldareysatay xukuumaddiisu intii uu hayey talada.

Waxa uu intaa ku daray in uu masraxa siyaasadda ka degayo isaga oo aan inaba murugeysnayn ama aysan wax cabsi ah uga jirin mustaqbalka wadankiisa, isaga oo taa ula jeeda in uu hubo in wadankiisu sii ambaqaadayo horumar iyo mustaqbal.

Is casilaadiisa ayaa Talaadadii timid kakdib markii mudaharaadyo soconayey 6 asbuuc ay hareeyeen dalkaasi.
Todobaadkii tegay ayaa taliyaha sare ee ciidammada millitariga dalkaasi Lt Gen Ahmed Gaed Salah, waxa uu ugu baaqay saaxiibkiis Bootefliiqa in uu ka dego talada.

Warqad uu madaxweynaha 82-jirka ahi qoray ayaa uu ku sharaxay abaalka iyo xushmadda uu u hayo “walaalihiis gabdhaha iyo wiilasha ah.

Waxaana uu yiri: “Qalad waa uu ka dhacaa bani’aadamka, Waxaan cafis idinka weydiisanayaa wixii guuldarro ah ee iga dhacay” ayaa uu ku daray hadalkiisa.

Mr Bouteflika ayaa ku booriyey reer Al-jeeriya in ay midowga ilaaliyaan isla markaasina ay kala qeybsanaan iska ilaaliyaan, kadib marka uu talada ka dego.

Ninkani ayaa xanuunka faaligga ama (stroke) la ildarnaa 6-dii sano ee ugu dambeysay waxaana mar mar uun uu soo hor istaagi jirey shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here