Gaari bas ah ayaa der deray ama jiirey dad wadada laamiga ah goynayey degaanka Kangemi, ee caasimadda Nairobi.

4 qof ayaa halkaasi ku dhimatay halka 4 kale isbitaallada loola cararay.

Darawalka ayaa meel dalcad ah ka soo degayey, xilli uu ka war helay in uu dad badan gaariga ku dhuftay, dadka badankood ayaa wadada goynayey isaga oo aan hal qofna ka joojinin.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in gaariga uu ku socday wadada isku xirta Westlands-Uthiru route balse darawalka ayaa wadadaasi ka weecday isaga oo raadinaya qaab uu uga leexdo jaamka baabuurta isaga oo isticmaalay wadada Waiyaki Way.

Si kastaba waxaa dhacday in il uu gaarigu ka soo degayey wado 200 mitir ah oo degaandeg ah qeybtaasi oo gaarigu ku waayey bareegii ama fariinkii.

Baska ayaa waxaa joojiyey goob derbi ah halkaasi oo markii uu dadka soo baab’iyey uu afka hore ku dhufsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here