Baareyaal ka socday hey’adda Qaran ee Anshaxa iyo ka hortagga Musuqa ee magacooda loo soo gaabiyo EACC ayaa soo xiray madaxa ismaamulka kowntiga Samburu gaavana Moses Kasaine.

Baarayaasha ayaa madaxa ismaamulka Samburu ku xiray daarta xarunta u ah guddigaasi ee Integrity Center.

Waxaa la sheegayaa in loo heysto lunsasho hanti dowladeed waxaana xiritaanka gaavanaha uu yimid saacado kadib markii uu amar bixiyey agaasimaha dacwad soo oogista qaranka.

Agaasimaha dacwad soo oogista Qaranka mudane Mr Noordin Haji ayaa Isniintii sheegay in la soo xiro taasi oo keentay in gaavanaha dhanka maxkamadda loo jiheeyo, sidoo kale gaavana xigeenka Julius Leseeto, ganacsade Hesbon Ndathi, iyo 11 kale oo iyagu isugu jira dad jagooyin haya iyo saraakiil sare ayaa la soo xiray.

Dadka kale oo laga shaki qabo waxaa ka mid ah Stephen Letinina (xoghayaha kowntiga ), Daniel Lenolkirina (Sarkaal sare oo dhanka maaliyadda kowntiga ah ), Josephine Lenasalia (sarkaalkii dhanka degaanka ee hore), Reuben Lemunyete (Sarkaal sare oo dhanka beeraha ah ), Linus Leninge (sarkaal sare oo dhanka waxbarashada kowntiga ah) iyo Paul Lolmingani oo isna ah (sarkaal sare oo dhanka gaadiidka ah ).

Ragga kale ee uu agaasime Nuurdiin Xaaji ku dabajiro ayaa kala ah Benard Lesurmat (sarkaal sare oo dhanka dhulalka ah), Lilian Baluga (sarkaalkii hore ee dhanka jinsiga ahaan jirey), Andrew Lanyasunya (sarkaal sare oo haatan haya jagada jinsiga), David Loosenge (Sarkaal sare, isboortiga) iyo Geoffrey Kitewan oo ah (Madaxa Sahay-siinta iyo maamulka).

14-kan laga shakisneyaal ayaa lala xiriirinayaa in ay ku lug lahaayeen 84.7-milyan oo aheyd shidaal la geeyay xarun shidaaloo uu leeyahay gaavana Kasaine, kaalinkaasi oo lagu magacaabo Oryx Service Station, waxaana shidaalka lagu qaatay qaab qandaraas ah oo qaadaneysay dowladda kowntiga Samburu.

Tani ayaa la sheegay in ay tahay mid sharci darro ah, waxaana la sheegay in ay wajahi doonaan qiyaano iyo in ay galeen dembi dhanka dhaqaalaha ah, xafiiskooda oo ay ku tunteen, iyo dano iska hor imaanaya oo ay ku dhaqmeen.

“Baaritaannada waxa ay muujinayaan in gaavana Moses Kasaine Lenolkulal uu ku ganacsanayey hantida dowladda kowntiga isaga oo shidaalka sii marsiinayey kaalinkiisa shidaal ee lagu magacaabo Oryx Service Station halkaasi oo uu shidaalka dowladda ku shubayey ilaa iyo taariikh 27th March 2013 iyo waqtiga la joogo,” sidaasi waxaa sheegay agaasimaha dacwad soo oogista qaranka mudane Nuurdiin Xaaji.