Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay madaxweynaha wadanka Uganda oo booqasho labo beri ah ay uga bilaabatay dalka.

Madaxweynaha Yugaandha ayaa inta uu dalka joogo waxa uu kormeer ku tegi doonaa dekadda weyn ee Mombaasa.

Dhanka kale, Waxaa magaalada Mombaasa ku soo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo gaavanaha kowntiga Mombaasa Xasan Ali Joho.

Museveni oo ka soo degay garoonka Moi International ee Mombaasa ayaa loo riday 21 madfac iyadoo halkaasi ay ka socoto munaasabad ka mid ah tan madaxda wadammada caalamka lagu soo dhoweeyo waxaana la filayaa in hogaamiyeyaashu ay wadadallo labo geesood ah yeelan doonaan.

Waxa uu saxaafadda u sheeay in isaga iyo Uhuru ay tegi doonaan dekadda Mombasa.