Rabshado ayaa ka taagan degmada Modogashe, ee kowntiga Isiolo iyo tuulooyinka ka agdhow ee xuduudka lagu muransan yahay la wadaaga Gaarisa.

Wararka ayaa sheegay in ay jiraan weeraro kala aargoosi ah oo iyagu u dhexeeya labo bulsho oo degaanadaasi wada degta.

Ku xigeenka kamishinirka Garbatulla Victor Kamonde ayaa Isniintii sheegay in ay weli degaanadaasi ka taagan tahay carqalad, waxaana maalinimadii Axada ay rabshado soo cusboonaaday ka dahceen degmada Modogashe halkaasi oo dukaamo badan dab la qabadsiiyey iyada oo laga cabsi qabo in uu ahaa weerar aargoosi ah.

Ugu yaraan 15 qof ayaa mashaakilkani saameyn, hogaamiyeyaasha Isiolo oo uu hogaaminayey gaavana Maxamed Kuti, mas’uulka haweenka Rehema Jaldesa iyo xildhibaan Abdi Koropu oo laga soo doorto (Isiolo South) iyo Hassan Oda oo laga soo doorto (Isiolo North) ayaa shalay booqday degaanka Modogashe si ay isugu dayaan in ay xaaladda qaboojiyaan.