Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa uga digay Ruushka in Mareykanka uusan gacnaha laaban doonin haddii Moscow ay hub geyso wadanka Venezuela si uu u hubeeyo taliska madaxweyne Nicolas Maduro.

Wicitaan dhanka qadka taleefanka ah oo uu Pompeo la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov ayaa Mr Pompeo waxa uu ka deyriyey kaalmada milleteri ee Raashiya ay geynayso wadanka mashaakilka siyaasadeed ee ka taagan yahay ee Venezueala.

Mr Pompeo ayaa u sheegay Mr Lavrov “In Mareykanka iyo wadammada gobolka aysan iska fariisan doonin meel cidlo ah xilli uu Ruushku kicinayo xasaasiyad ka dhacda Venezuela,” warkaasi waxaa sidoo kale shaaciyey waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Juan Guaido oo isagu ah madaxii baarlamaanka Venezuela oo taageero ka hela dalka Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay in kaalmada joogtada ah ee Ruushku ku daabulayo millteriga Venezueala ay tahay mid sharci darro ah, gudllmiyaha baarlamanka Venezuela ayaa tilmaamay in madaxweyne Nicolas Maduro uu yahay madaxweyne xilka laga qaaday.

Mr Guaido ayaa isagu sheegtay in uu yahay madaxweynaha saxda ah ee dalkaasi Venezuela, waxaana uu sheegay in uu taageero ka helo Mareykanka iyo badankood wadammada Laatiinka ah iyo kuwa reer Galbeedka.

Dhanka kale, Nicolas Maduro oo ah madaxweynihii Venezuela ayaa la sheegayaa in uu isagu dhankiisa taageero ka helo dalalka Shiinaha, Ruushka iyo wadammada caalamka ee dhalliilsan siyaasadda Mareykanka.