Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadanka  Soomaaliya uu leeyahay 2 cadow oo waaweyn, Kan koowaad ayaa uu madaxweynuhu sheegay in uu yahay mid uga yimid dibada, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in cadowga 2-aad in uu yahay cadow gudaha ah, kuwaas oo ka shaqeynaya burburinta Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in cadawga Dibadda ay adeegsanayaan dad Soomaaliyeed, iyaga oo uga gol leh in Soomaaliya aysan ka dhalan wax dowlad ah,isla markaana Kheyraadkeeda lagu maamulo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa yiri:

“Runtii Soomaaliya waxaa heysta cadow aad u farabadan oo isugu jira mid dibadeed iyo mid gudaha, midka dibada Soomaaliya in ay istaagto lama rabo sidaan inaan ku jirno ayaa la rabaa, adduunka oo dhan wax alla wixii kaa awood badan waxa ay rabaan in ay ku maamulaan waana ku dagaalsan yihiin, waxaa ay heystaan dad walaalaheen ah oo shaqada u qabanayo”

Hadalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli ay gadoodsan yihiin ciidammada la dagaalamaya kooxaha xagjirka ah ee ka jira gudaha wadanka Soomaaliya, kuwaasi oo ka cabanaya in aan wax dhaqaale ah lagu siinin dagaalka joogtada ah ee ay kula jiraan mintidiinta Al-Shabaab.

Dowladda federaalka ayaa arrintaasi gaashaanka ku dhufatay waxa ayna sheegtay in ay tayeynayso ciidammada dalkeeda.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO COD: