Senator-ka laga soo doorto kowntiga Siaya James Orengo ayaa axdi ku maray in uu qabanqaabin doono xil ka qaadis ka dhan ah madaxweyne ku xigeenka dalka.

Waxa uu sheegay in madaxweyne ku xigeenka dalka xilka laga qaadi karo haddii lagu helo in uu isagu uu ku xadgudubtay dastuurka ama sharciga.

Senator-ka ayaa sheegay in dalku uusan si kale horukac ku sameyn karin xilli uu madaxwyne ku xigeenka dalku uu bartamaha soo istaagayo mar kasta oo muquq maasuq la soo hadal qaado.

Isaga oo u khudbeynayey dadka degaanka Ugenya xilli ay socdeen olole doorasho oo ka dhacayey degaankaa Ugenya ayaa mudane Orengo waxa uu sheegay in qodobka 150 -aad ee dastuurka uu ugu filan yahay Ruto in xilka looga qaado. Xilliga uu hadalkaasi jeedinayey waxaa uu u ololeynayey Chris Karana.

Orengo ayaa soo xusuusiyey madaxweyne ku xigeenka in uu dastuurku uu u ogolaanayo madaxweynaha in uu soo magacaabo madaxweyne ku xigeen, isaga oo aan wax ansixin ah ka helin baarlamaanka dalka.