Canug ardey ah oo 8 jir ah oo dhiganayey fasalka 2-aad ayaa isku del delay Kakamega.

Lama oga duruufta uu ardeygani isku dilay.

Shilka ayaa ka dhacay xaafadda Ikonyero halkaasi oo meydka ardeyga laga helay isaga oo yaal goob musqulaha qubeyska ah oo ay carruur kale joogeen.

Taliyaha booliska Kakamega OCPD David Kabena ayaa xaqiijiyey dhimashada ardeygani ka tirsanaa iskuulka Ikonyero Primary School.

Taliyaha ayaa sheegay in aan laga warqabin sababta dhalisay dhimashada ardeyga.

Canuga ayaa la dhigay goobta meydadka Kakamega.