Dadka Galbeedka Mandheera ayaa isku raacay in dhismo loo sameeyo meelaha iskuulaadka ah, gegida diyaaradaha, garoomada ciyaaraha, iyo xafiisyada dowladda kowntiga, arrintani ayaa laga sheegay shirarkii ugu dambeeyay.

Howlahan ayaa shirarkoodu ka soconayeen degaanka Takaba muddo 3 beri ah waxaana bulshda degaanka ay bilaabeen in ka faa’iideysiga shaqooyinka maamulku bixinayo.

Gaavanaha Mandheera Cali Rooba ayaa shir la yeeshay dhallinyarada, haweenka, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyo saraakiisha dowladda isaga oo kala hadlay sidii si saaxiibtinimo ah loogu soo bandhigi lahaa wax wada qabsi.

Gaavana Roba, oo ay wehliyaan saraakiisha maamulka ayaa ku shiray townshipka Takaba halkaasi oo muddo afar beri ah uu dhex marayey dadweynaha si shaqooyin loo abuuri isla markakasina loo kordhiyo isdhexgalka dowladda kowntiga iyo bulshada degaanka.