Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin cid gaajo ugu geeriyootay dalka.

Waxa uu tilmaamay in wararka la sheegayo in ay dad gaajo u le’den ay yihiin wararkaasi kuwo been abuur ah.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in ay jiraan raashin keyd ah oo hey’adaha gargaarka, ismaamullada dalka iyo maamulka dalku uu diyaar la yahay si dalka loo badbaadiyo.

Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaysa xilli uu Gaavanaha West Pokot ayaa sheegay in labo qof ay u gaajo ugu dhinteen tuulada Akulo ee kowntiga West Pokot.

Gaavanaha John Lonyangapuo ayaa saxafiyiinta ugu waramay halka ay ka dhaceysay cuno qeybinta waxaana uu sheegay in degaanada ay abaaruhu ka dhaceen ay geeyeen ilaa 700 oo loor oo galley ah taas oo loo qeybiyey qoysas la sheegya in ay macluulsanaayeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here