Nin ay xaaskiisa iyo 3 carruur ah uga dhinteen qaraxii diyaaradii Ethiopian Airways ayaa go’aan ku gaaray in uusan duugin carro laga soo qaaday goobtii ay ku burburtay diyaaradda.

Ninka ayaa sheegay in aysan u cuntameynin uu carrada duugo.

Mr Paul Njoroge ayaa sheegay in uu qabsanayo munaasabad tacsi ah oo keliya ilaa iyo inta ay dowladdu ka keenayso natiijada cadeynta DNA-da.

Waxa uu sheegay in uu aqbalay in ay dhinteen carruurtiisa, xaaskiisa iyo soddohdiisa waxaase uu sheegay in waqtiga ay qabsatay dowladda ee lixda bilood ah si ay DNA-da u hesho uu noqday mid aad u dheer, Njoroge ayaa khal khal ka muujiyey in ay waqti badan qaadaneyso in la raadiyo DNA-da 5 kun oo qof.

Waxa uu sheegay in ay ubaxyo qaadan doonaan maadaama meesha uusan oolin wax meyd ah oo la duugayo.

Mr Njoroge, ayaa itoobiya laga soo siiyey dheri ciid ah kaasi oo laga soo ururiyey degaanka Bishoftu oo ah halkii ay diyaaraddu ku dhacday waxaana la waayey lafihii iyo dhiigii dadka iyadoo dadkii ay ku ba’een holacii ka socday diyaaradda.

Dadka eheladoodu ay ku le’deen diyaaraddda 737 ayaa la geeyay Addis Ababa waxaana ay isugu tageen dadkaasi hoteelka Skylight Hotel caasiamadda Addis Ababa.

Ehelada ayaa ka kala yimid ilaa 32 dal oo caalamka ah kuwaasi oo booqday goobta ay diyaaraddu ku dhacday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here