Madaxweynaha wadanka Kazakhztan Nursultan Nazarbaev ayaa si aan la fileyn isku casilay kadib 30 sano oo uu soo hayey talada wadankaasi Kaazakhstaan.

Waxa la sheegay in madaxweynuhu uu sii heyn doono talada xisbiga talada dalkaasi haya.

“Waxaan go’aansaday in aan soo afjaro waajibaadkeyga ka madaxweyne ahaan,” ayaa uu yiri Nazarbaev oo ka hadlayey telefishinka dalkaasi bishan Maarso 19-keedii.

Khudbadda uu telefishinka ka jeediyey ayaa la sii daayey saacado kadib markii dadweynaha lagu wargeliyey in uu madaxweynaha dalkaasi u hayo fariin muhiim ah.

Nazarbaev, oo 78 jir ah ayaa sheegay in uu 30 sano soo maamulayey dalka Kazakhstan oo iyadu aheyd wadan tamarta aad u soo saari jirey xilliyadii ay ka tirsaneyd Midowgii Soofiyeetiga ka hor intii aanu dhicin Soofiyeetku abaarihii 1991-kii.

“Waxaan u mahadcelinayaa dadkeyga i siiyey fursaddani aan madaxweynaha ugu Kazakhstan madaxbanaan.” ayaa uu yiri madaxweynuhu.

Waxa uu tilmaamay in afhayeenka aqalka sare ee baarlamaanka dalkaasi, Qasym-Zhomart Toqaev, uu isagu si ku meel gaar ah u sii heyn doono xilka madaxweynanimo ilaa inta laga gaarayo doorashooyinka dalkaasi ka dhici doona sanada 2020-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here