Dowladda ayaa u weecatay baaris shidaal oo lagu sameynayo ismaamulka Kajiado halkaasi oo cilmi baarayaashu sheegeen in ay tahay meel ay dhex ceegaagaan saliid iyo Gaas.

Wakaaladda Qaran ee Saliidda Kenya ee magaceeda loo soo gaabiyo (Nock) ayaa qorsheynaysa in ay qoditaanka sameyn doonto 2-da sano ee fooda inagu soo haya.

Arrintan ayaa waxa ay dabataal qodista shidaal ee ay sameysay shirkadda saliidda qoda ee Ingiriiska laga leeyahay ee lagu magacaabo Tullow taasi oo ilaa bishii Febraayo 2012 ku soo saarista saliid lagu qiyaasay ilaa hal bilyan oo fuusto maalintii. Waxaana ay Tullow saliidda ka heshay balookyada 10BB iyo 13T ee Turkaanada Koonfureed.

Meelaha kale ee sahanka shidaalka laga sameeyay waxaa ka mid ah xeebaha jasiiradda Lamu kuwaasi oo ilaa bishii Abriil ay ku baxday lacag gaareysa 2.5 bilyan.

Shirkadda Zarara Oil and Gas, oo ah sahmiyaha ayaa shaacisay in asbuucan gaaska laga helay Lamu uusan laheyn tayadii ganacsi ee loo baahnaa balse laga helay block-yada L4 iyo L13.

Nock, which has traditionally concentrated on less-expensive downstream oil business, is seeking a partner to inject cash in drilling in exchange for an undisclosed stake in Block 14T.

“Qodista ceelasha waa howl aad qaali ah u ah oo ay lacag badani ku baxdo, waana shaqo khatar wadata oo aan la garaneynin halka lacagta lagu bixiyey in uu shidaal ku jiro iyo in kale.

Sidaasi waxaa sheegay MaryJane Mwangi oo gudoomiye ka ah shirkadda magaceeda loo soo gaabiyo NOCK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here