In ka badan 200 oo iskuullada dalka ah ayaa weli lacago ka sugaya dowladda dalka dhowr todobaad kadib markii uu dhammaaday teeramkii koowaad. Sababta ay lacagaha u waayeen iskuuladani ayaa lagu sheegay in ay tahay kadib markii iskuulladu ay ku guuldareysteen in ay soo diiwaangeliyaan tirada ardeyda ah ee dhigata dugsiyadaasi.

Waxaa ka sheegay in la doonayo in ay iskuulladu ay ardeyda dhigata tiradooda u gudbiyaan hey’adda lagu (magacaabo NEMIS) oo ah hey’adda qaran ee maamulka waxbarashada dalka.

Gudoomiyaha ururka maamulayaasha dugsiyada sare ee dalka Kahi Indimuli ayaa sheegay in aysan xaq aheyn in wasaaraddu ay rajeyso iskuullada dalka wax laga dhigto iyadoo aan lacagta ardeyda la dhiibin.

Indimuli ayaa sheegay in ardey ka badan 200,000 ardey ah ay yihiin kuwo aan iskuulka laga dhiibin, welina adeegyada waxbarashada macallimiintu iska wadaan. waxa uu ku nuuxnuuxsaday in maaliyadda laga dhiibo ardeyda.

Todobaad kahor, ayaa xoghayaha waxbarashada Belio Kipsang waxa iskuullada uu u xaqiijiyey in lacagta la soo sii deyn doono balse sida ay sheegeen waxba kama soo naaso cadaanin arrinkaasi.

Dowladda qaran ayaa iyadu ardey walba ka bixisa 22,244 sanadkasa oo ardey walba oo dugsiga sare dhiganaya laga dhiibo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here