Ugu yaraan 5,000 oo daarood oo ka mid ah dabaqyada ka dhisan caasimadda Nairobi ayaa la qorsheeyay in dhulka la dhigo ama la dudumiyo.

Daarahan ayaa lagu dhisay lacag gaareysa ilaa 500 bilyan sida ay sheegeen guddiga dib u habeynta caasimadda Nairobi ee lagu magacaabo Nairobi Regeneration Committee.

Dabaqyada la bartilmaameedsan doono waxaa ku jira guryo shacab leeyahay, wadooyin, iyo guryo loo dhistay si sharci darro ah kuwaasi oo la sheegay in aaney ansixin ka heysanin dowladda hoose ee dalka.

Wasiirka dalxiiska dalka Najib Balala, ayaa ah gudoomiyaha guddiga dib u qaabeynta waxaana ay isla gudoomiyaan gaavanaha Nairobi Mike Sonko, waxaana ay labadoodu sheegeen in daaraha la duminayo ay badankood ku yaallaan xaafadda Westland iyo degmada Kileleshwa.

Balala ayaa waxaa uu arrintan ogeysiiyey madaxweynaha dalka iyadoo madaxweynuhu hore u sheegay in la xaqiijinayo u hogaansanaata shuruucda dalka. Waxaa Wasiirka dalxiiska arrintan ku wehlinayey xoghayaha joogtada wasaaradda guriyeynta Hinga Mwaura, xoghayaha waaxda kormeerka dhismeyaasha Moses Nyakiongora iyo ku xigeenka kowntiga Nairobi xoghaye Leboo Morintat.

Waxaana isha ay ku hayaan daaraha ka dheer wixii ka badan 5 dabaq kuwaasi oo hadda ka horena la soo dumiyey, tani oo wel wel xooggan iyo shoog ku abuurtay maalgashadeyaasha.

Daarahan dhaadheer waxaa ka mid ah daarta 2 bilyan lagu dhisay ee Southend Mall ee ku taal wadada Lang’ata, sarta 5-ta bilyan lagu dhisay Airgate Centre ee degaanka Embakasi, sidoo kale waxaa daaraha la duminayo ka mid ah Ukay Centre oo ku taalla Westlands iyo derbiyo iyo guryo waaweyn oo ku yaal degmada Kileleshwa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here