Dagaal ayaa habeenimadii xalay dhex maray kooxaha Al-shabaab iyo ciidammada dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiicda goobta waxaana la sheegay in Shabaabku ay iyaga weerarka soo qaadeen.

Ciidamada dowladda federaalka iyo AMISOM oo hal dhinac ah ayaa dib isaga caabiyey kooxihii soo weeraray ee Al-Shabaab.

Dagaalkii xalay ayaa dadku sheegayaan in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn.

AMISOM iyo ciidanka dowladda ayaa iska difaacay weeraro dhowr jiho ahaa oo Shabaabku soo qaadeen tiro dhowr jeer oo dib loo celiyay.

Ciidamada isbaheysanayay ayaa saaka howlgallo ka wada xaafada deegaanka Buula-Mareer ee degmada Kuntuwaareey, halkaasoo ay ka baadi goobayaan kooxdii weerarka soo qaaday, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in maxaabiis badan laga qabtay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here