Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Kazakhstan ayaa la wareegay talada dalkaasi waxaana tani ay imaaneysaa kadib markii hogaamiyihii dalkaasi Nursultan Nazarbayev uu ku dhawaaqay in uu xilka wareejinayo.

Nazarbayev ayaa da’diisu aheyd 78 jir, waxaa uu xilka ka tegay maalinimadii Talaadada waxaana tani loo arkay tillaabadii koowaad ee isbedel siyaasadeed ee dalkaasi uu si farxad leh ku galayo. Ma jirin cid isaga ku tiri iska casil jagada, ama ku banaanbaxday.

Madaxweynaha cusub ee talada la wareegay oo lagu magacaabo Kassym-Jomart Tokayev ayaa ah diblumaasi sare oo ku hadla luuqadaha ruushka, Ingiriisiga iyo Shiinaha waxaana uu sii heyn doonaa ilaa bisha Abriil ee sanadka 2020-ka kolkaasi oo doorashooyin guud dalku geli doono, sida u dhigayo dastuurka wadankaasi Kazakhstan.

Tokayev, ayaa ah 65-sano jir waxaana uu Tokayev Arbacadii soo jeediyey in si loo xasuusto hogaamiyaha hore ee iskiis jagada uga degay in caasimadda dalkaasi isaga loogu magacdaro.

Caasimadda Kazakhtan ayaa la yiraahdaa Astana waxaana la filayaa in iyadoo lagu sharfayo madaxweynaha talada ka degay magaaladaasi loo bixiyo magaca “Nursultan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here