41 ardey ayaa loola cararay isibitaalka kadib markii uu iskuulkii ay dhibanayeen uu ka kacay dab.

Shilkani dabka ah ayaa yimid kadib markii habeenimadii Talaadada uu dab qabsaday dugsiga St. Josephs Girls ee kowntiga Kitale.

Dabka ayaa lagu soo waramayaa in uu bilowday 8 habeenimo iyadoo uu qabsaday qeybta jiifka waxaana burburay hantidii goobtaasi taalley.

Dr. Dennis Nyangingi oo ka howlgaha isbitaalka Kitale Level Four Hospital ayaa sheegay in badankood ardeyda laga soo saari doono isbitaalka.

Waxa uu dhaqtarku sheegay in 41 ardey ay qaaca ku harqameen balse aysan jirin wax shil ah oo intaasi dhaafsiisan oo ardeyda soo gaaray marka laga reebo 3 ardey oo weli ku jira isbitaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here