Wararka ka imaanaya ismaamulka Galmudug ee dalka Soomaaliya waxa ay sheegayaan in wefdi ka socda Galmudug ay gaareen degaanka Xeraale.

Xeraale ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayey dagaallo u dhaxeeyay beelaha halkaasi dega.

Wafdiga Galmudug ayaa ka kooban jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Galmudug oo loo xilsaaray in ay dhex dhexaadiyaan labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi ku dagaalamaya.

Galmudug ayaa sheegtay in ay wefdigaasi howshooda tahay sidii ay xal ugu heli lahaayeen in nabad la kala dhex dhigo beelaha halkaasi ku dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here