Warbixin ayaa qortay in magaalada Nairobi ay noqotay magaalada ugu maciishadda qaalisan magaalooyinka qaaradda Afrika.

Warbixintan waxaa soo saartay hey’ad lagu magacaabo Economist Intelligence qeybteeda dowladaha caalamka iyo hey’adaha kale kala talisa habsami u socodka dhaqaalaha dunida.

Hey’adani ayaa baaritaankeeda ku sheegtay in qiimaha maciishadda ee caasimadda dalka Kenya uu kor u kacay.

Waxa la soo daliishaday in dadka dibadda uga yimaada Nairobi ay yihiin dad dhaqaalaha ku dhibaatooda.

Magaalada Lagos ayaa soo gashay booska 127 waana mid ka mid ah magaalooyinka ugu maciishadda raqiisan caalamka oo dhan.

Baaritaannadan dhaqaale ayaa la keenay kadib markii lagu saleeyay ilaa 50,000 oo ruux iyo qiimaha 160 suuqyada iyo howlaha la xiriira oo diiradda la saaray.

Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu bartilmaameedsaday qiimaha cabitaanka daruuriga ah, cunooyinka, iyo dharka, sidoo kale waxaa la odorasay qiimaha waxyaalaha guryaha laga isticmaalo ee daruuriga ah iyo qiimaha ay joogaan walxaha qofku u isticmaalo nolosha, qalabka iskuulaadka gaarka loo leeyahay iyo kuwa shacabka iyo qiimaha dayactirka.

Warbixinnada ayaa waxaa adeegsada shirkadaha si ay akhbaartaasi uga caawiso in ay sameeyaan isugeyn la xiriirta waxyaalaha mushaharaadka loo bixiyo. Sidoo kale baaritaannada hey’adda ayaa loo adeegsadaa in dadka shaqaalaha ah la ogaado wax ay u

Si kastaba sicir-bararka dalka Kenya ayaa hoos ugu dhacay 4.69 marka loo eego sanadkii hore waxaana sanadkii ka soo horeeyay uu sicir bararku gaarayey 6.3.

Warbixinta Economist Survey ayaa lagu sheegay in markii ugu horeysay taariikhda ay soo magaalooyinka — Singapore, Hong Kong iyo Paris — soo galeen booska magaalooyinka ugu qaalisan caalamka oo dhan.

Magaalada ugu raqiisan caalamka ayaa haatan lagu tilmaamay in ay tahay caasimadda wadanka Venezuela ee Caracas, waxaana la sheegay in ay booska ka bixisay Dimishiq oo wadanka Suuriya ah, taasi oo la sheegay in ay waayihii ugu dambeysay aheyd meesha ugu qiimaha jaban ee lagu noolaado. Waxaana Caracas ay u raqiistay sababo la xiriira mixnad siyaasadeed oo Venezuela ay ku jirto muddooyinkan ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here