2 Qof oo hor leh ayaa la soo sheegayaa inay gaajo ugu dhinteen kowntiga Baringo, hore waxaa u jirey in labo qof ay macaluul ugu dhinteen kowntiga Turkana.

Goob raashin laga qeybinayey oo ku taal Nginyang’, Tiaty, oo ka tirsan kowntiga Baringo ayaa Talaadadii shalay waxaa ka hadlay mas’uul ka tirsan degaanka oo lagu magacaabo Nelson Lotela waxaana uu soo saaray magacyada dad ka badan 17 qof kuwaasi oo degaankaasi gaajo ugu dhintay.

Mas’uuulka ayaa sheegay in dhibanihii ugu dambeeyay uu ahaa nin 60 jir ah kaasi oo Isniintii ku geeriyooday tuulada Loruk, oo ku taal xuduudka Tiaty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here