Waaxda dallagaadka iyo wax soo saarka beeraha ayaa bakhaaradeeda ka soo bixisay 5,222 loor oo galley ah kuwaasi oo loo daabulay kowntiyada dalka ee abaaruhu saameeyeen, dowladda ayaa qaaday tillaabo ay kula dagaalameyso mixnadda bani’aadanimo ee abaaraha wadanka.

Agaasimaha guud ee waaxda dalagaadka beeraha Albin Sang ayaa sheegay in galleyda laga qeybiyey xarumaha ay hey’adani ku leedahay kowntiyada Turkana, Baringo iyo Isiolo kuwaasi oo xaalad xun laga soo sheegay.

Galleydani ayaa waxaa ay qeyb ka tahay 3.5 milyan oo loor oo galley ah kuwaasi oo hey’adda qaran ee NCPB ay haatan qorsheynayso in ay ku debarto abaaraha dalka guud ahaan.

Dhanka kale, hey’adda maamulka maareeynta abaaraha qaranka ayaa sheegtay in 1.1 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin cuno la’aan sababo la xiriira beerihii oo aan roobab fiican helin bilihii Oktoobar, -November iyo December ee sanadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here