Labo qof ayaa lagu xiray halka loo yaqaan kalama, kowntiga Marsabit, waxa ay wadeen 4.6 kilograms oo dahab ah iyo 50,150 oo lacagta Eurada ah oo u dhiganta (Sh5.7 milyan) waxaana labadaasi qof lagu eedeeyay in ay sameynayeen kala gooshin lacago loo qaadayey wadamo dibadda ah.

Garsooraha maxkamadda Milimani Ms Zainab Abdul ayaa Talaadadii ka dhegaysatay booliska demibyada abaabulan ee xuduudaha in ay soo xireen ragga kala ah Issa Mohammed Dubow iyo Yunis Maalim Muktar oo laga soo qabtay meel checkpoint ah oo ku taal wadada isku xirta Isiolo–Moyale bishan 13-keedii.

Iyada oo Garsooraha ay amartay in si deg deg ah loo xiro, ayaa waxaa sarkaalka dembi baaraha ah oo lagu magacaabo Sergeant Stanley Musembi waxaa uu garsooaha u sheegay in boolisku ay si weyn uga shakisan yihiin labada qof ee dahabka gooshinayey.”

Waxaana ay baarayaashu sheegeen in loo wadey wadammada deriska la ah dalkani Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here