Duqeymaha ciidammada Mareykanka ee dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay si aad ah u sii kordhayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Waxaa la sheegay in gantaallada ay tuuraan diyaaradaha Mareykanku ay ku hoobtaan dad shacab ah oo aan waxba galabsanin.

Hey’adda Amnesty ee caalamiga ah ayaa Arbacada maanta ah warbixin ka soo saartay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya.

Amnesty wadarta duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ku sheegtay in ay kor u dhaafayeen 100 weerar duqeyn ah labadii sano ee la soo dhaafay.

Diyaaradaha aanu duuliyuhu saarneyn iyo diyaaradaha duuliyuhu hagayo ayaa labaduba waxa ay duqeynayeen Soomaaliya 2-dii sano ee ugu dambeysay. Waxaana ay diyaaradahaasi geysteen in ka badan marka la isku daro duqeymaha uu Mareykanku ka geysto wadammada Yemen iyo Liibiya.

Wararka duqeymahan ku saabsan ayaa sheegaya in baareyaashu ay soo ogaadeen dhowaan in 14 lagu dilay duqeyn diyaaradaha Drone-ka ay geysteen. Waxaana laga cabsi qabaa in intaas in ka badan maalin walba diyaaraduhu ku dilaan dalka Soomaaliya.

“Weerarada waxa ay u muuqdaan kuwo jebiyey sharciga bani’aadanimada ee caalamiga ah, waxaana tiradu dhimashadu gaartey heer lagu tilmaami karo in Mareykanku dembiyo dhanka dagaallada ah geysanayo,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty oo cinwaan looga soo dhigay “Dagaalka Qarsoon ee Mareykanku kula jiro Soomaaliya”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here