Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii fekerkiisa ka dhiibtay suuro galnimada in sanada 2020 ay iska horyimaadaan siyaasiga dimuqraadiga ah ee Joe Biden.

joe Biden ayaa isagu ahaa madaxweyne ku xigeenkii xilligii Barrack Obama, hase yeeshee Donald Trump ayaa si xun u aflagaadeeyay Biden yirina, “ninkaasu caqli ma laha.”

Mr Biden, oo isagu ah ninka aflagaadada loo geystay ayaa ah ninka ugu miisaanka culus ee haatan ugu madaxa dheer siyaasiyiinta xisbiga dimuqraadiga, waxaana la sheegay in uu isagu heegan ugu jiro u tartamidda 2020-ka.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku yiri: “Joe Biden ma uusan awoodin xitaa in uu hadal jeediyo welibana ma awoodo in uu cadeeyo in uu tartamayo iyo in kale, waa nin ay madax-yaro ah, oo ay yar tahay maskaxdiisu..”

Hase yeeshee waxaa hadlay Joe Biden isaga oo sheegay in uu yahay qofka ugu horeeya ee macquulka ah ee doorashooyinka Mareykanka isu soo taagi doona, haddiiba ay dhacdo in la isa soo sharaxayo.

Tani oo macnaheeda loo qaatay in Biden laga yaabo in uu madaxweynanimada Mareykanka kula tartamo Trump, xilliyada soo aadan.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka D. Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday xubin xisbiga jamhuuriga ah ka tirsanaa oo isagu dhowaan geeriyooday laguna magacaabey John McCain, waxaa uu mar laga wareystay Trump ku eedeeyay McCain in uu waraaqo u gudbiyey FBI-da iyo qaar ka mid ah warbaahinta, warqadahaasi oo uu Trump sheegay in ay ahaayeen kuwo lagu cadeynayey xiriirka Trump iyo Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here