Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan biyo xireennada Arro iyo Kimwarer. Ruto ayaa ka hadlayey dugsiga sare ee Kiwawa ee kowntiga West Pokot halkaasi oo ay ka dhaceysay taburacaad aruurin dhisme loogu sameynayey qeybta maamulka ee iskuulkaasi.

Madaxeyne ku xigeenka ayaa sheegay in dowladda Jubilee ay diiradda saareyso dhaqangelinta mashaariicda horumarka ee dalka oo dhan, waxa uu sheegay in qiyaanada ay adeegsanayaan mucaaradku aysan isaga ka joojin doonin in uu dusha kala socdo mashaariicda dowladda.

Ruto ayaa ku dhawaaqay: “Waan garanayaa Mr. Raila Odinga, ujeedadiisu waa burburinta xisbiyada, Waxa uu soo burburiyey xisbiyada ay ka mid yihiin CORD, NARC, KANU, ODM iyo isaga oo kala qeybiyey xisbigii NASA. Hadda oo la joogana waxa uu doonayaa in uu dhulka ku dhufto xisbiga Jubilee.

William Ruto ayaa intaa ku daray in ay xisbiga Jubilee uu is difaaci doono, isla markaasina uu difaacan doono madaxweynihiisa iyo mashaariicda xisbigaasi uu ka hayo dalka.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in Raila uusan siyaasadda dib ugu celin karin dalka isla markaasina uusan kala qeybin karin shacabka isaga oo adeegsanaya siyaasad, Ruto ayaa yiri runtii Raila waxaa uu caanku yahay khilaaf iyo burbur, sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here