Mudane Cali Rooba, Gaavanaha ismaamulka Mandheera, Kenya.

Gaavarka ismaamulka Mandheera Cali Roba ayaa maalinimadii shalay ku eedeeyay dad degaanka banaankiisa ka yimaada in ay abuurayaah muran ku aadan dhismaha garoonka diyaaradaha ee laga dhisayo degaanka Karo ee Bariga Mandera.

Gaavanaha Mandheera ayaa sidoo kale sheegay in shaqsiyaadkani dhibaatada muranka ah wada in ay yihiin shaqsiyaad degaanka banaankiisa ka yimaada isla markaasina oo aan iyagu deganeyn degaanka Karo.

Wararka ayaa sheegaya in muran muddo soo jiitamayey uu ka dhaxeeyay dadka degaanka Karo ee Bariga Mandera iyo dowladda kowntiga murankaasi oo ku saabsan sidii gegida diyaaradaha ee casriga ah looga dhisi lahaa kowntiga Mandheera.

Garoonka haatan laga isticmaalo magaalada Mandheera ayaa ah mid aad yar, waxaana maamulku ay sheegeen in la dhisayo garoon weyn oo bulshada ka saacidi kara dhinac kasta.

Ismaamulka Mandheera ayaa doonaya in shacabka guud ay horkacaan horumarka degaanka, isla markaasina aan la dooneynin in dib u dhacyo ku dhacaan horumarka kowntiga Mandheera.

Roba ayaa beeniyey warar sheegaya in shacabku diideen garoon kale oo isaguna degaanka laga dhisi lahaa degaanka Wargadud.

“Bulshada Wargadud, oo loo dhisi lahaa garoon diyaaradeed, waa ay ansixiyeen dhulkii laga dhisi lahaa degaanka balse dhismaha waxa uu u baaqday oo keliya arrimo kale oo ka dhex taagan shirkadaha dhismaha. Kiiskani oo haatan lagu soo afjaray in maaliyadda gegida lagu dhisayo loo weeciyo meel kale, kadib hal sano iyo bar oo dagaal maxkamadeed uu soconayo,” sidaasi waxaa sheegay gaana Rooba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here