Agaasimaha dembi baarista dalka George Kinoti ayaa feylasha baaritaan ee fadeexadda Biyo-Xireennada Arror iyo Kimwarer ku wareejiyey agaasimaha dacwad Soo Oogista Qaranka Nuurdiin Xaaji.

Saraakiisha baaritaannada ku guda jira ayaa sheegay in saraakiil sar sare oo xaaladdu ku adag tahay dhowaan la geeyay xafiiska dacwad soo oogista.

Dhanka kalena, agaasimaha dembi baarista qaranka ayaa shalay sheegay in siyaasiyiinta aysan handadi karin baareyaasha howsha haya, Waxaana George Kinoti uu tilmaamay in cid kasta oo bililiqeysata hantida dadweynaha ay isku diyaariso in ay ka jawaabaan dembiga ay galeen.

Dacwad Soo Oogaha Qaranka oo haatan la hordhigay feylasha Biyo-Xireennada ayaa dib u eegi doona isla markaasina go’aan ka gaari doona haddii la xukumayo eedeeysaneyaasha iyo kuwa laga shakisan yahay intaba, waxaa kale oo Xaaji uu go’aan ka qaadan doonaa haddii ay jiraan waxyaalo kale oo baaritaan dheeraad ah u baahan.

Maalinimadii shalay ayaa Xaaji iyo Kinoti waxa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan waxyaalaha feylasha ku qoran waxaana ay balan qaadeen in ay mar dhow shaaca uga qaadi doonaan Kenyaanka wax waliba oo feylasha ku qoran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here