Nin ka mid ahaa dhaqaatiirtii Kenyaanka ee loo diray wadanka Cuba ayaa is-dal dalay. Waxaa uu isku dilay sababo la xiriira of niyad-jab la soo gudboonaaday.

Wararku waxa ay sheegayaan in diktoor Hamisi Ali Juma la helay meydkiisa maalnimadii Axada.

Waxa uu ka mid ahaa 50 dhaqaatiir ah oo dowladdu ay u dirtay wadanka Kuuba kuwaasi oo dowladdu ay ka bixineysay waxbarashada si ay u soo siyaadsadaan culuunta caafimaadka qoyska, barnaamijkaasi oo labada dowladood ee Kenya iyo Cuba ay ku heshiiyeen.

Dhanka kale ilaa 100 dhaqaatiir Kuubaan ah ayaa ka howlgalaya wadankani Kenya.

Wasaaradda caafimaadka dalka ayaa horey u soo werisay in madaxda Kuubaanku ay sheegeen in ay baarayaan waxa sababay dhimashada dhaqtarka Kenyaanka ah.

Hase yeeshee warfaafinta ayaa sheegtay in dhaqtarka Kenyaanka ah ee geeriyooday uu ahaa nin la dhashay xildhibaanka laga soo doorto degaanka Likoni MP Mishi Mboko,waxaana la sheegay in dhaqtarkaasu uu xanuunsanayey ka hor intii uusan dhimanin.

Ilaha wararka ayaa sheegagya in ilaa Diseembar sanadii hore dhaqtar Juma ayaa soo codsanayey in Kenya dib loogu soo celiyo balse dowladdu waa ay ka diiday codsigaasi.

Gudoomiyaha ururada Howlwadeenka caafimaadka iyo ururka Dentiisteyaasha dalka Samuel Oroko ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay ka dambeyso dhimashada dhaqtarkaasi.

Oroko ayaa sheegay in xilli dhaqaatiirta Cuubaanka ee dalkani ku sugan loo haqabtiro sidii in ay yihiin rag iyo haween boqorro ah halka kuwa Kenyaanka ay ku silcayaan howshooda dhaqtarnimo.

Waxa uu sheegay in dhinacyada lacagaha ay qaataan iyo qaab nololeedka ay aad u liitaan dhaqaatiirta Kenyaanka ah wax dan ahna aysan ku qabin tababarrada loo dirayo.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in dhaqaatiirta Cuubaanka ee Kenya jooga laga bixiyo wax waliba halka kuwa Kenya ee ku sugan Kuuba loo diiday in xitaa laga bixiyo gaari raaca isla markaasina aan loo ogoleyn in ay internet isticmaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here