Habeenimadii xalay waxaa dagaal daran uu ka dhacay degmada Balcad.

Al-shabaab ayaa la sheegay in 3 jiho ay ka soo weerareen degmadaasi oo ay ugu dambeyn la wareegeen qeyb ka mid ah degmadaasi.

Dagaalkan aya la sheegay in uu socday saacado badan, iyadoo aan lasoo sheegin khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.

Waxa ay Al-shabaab maxaabiis ka sii daayeen saldhigga degmada Balcad, waxaana ugu dambeyn la sheegay in iskood ay halkaasi isaga baxeen, iyadoo ciidanka dowladdana ay dib ula wareegeen meelihii Al-shabaab isaga baxeen.

HALKA HOOSE KA DHAGEYSO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here