Xisbiga ODM ayaa u yeeray 15 wakiillada degaannada ee MCA-yada waxaana la filayaa in ay soo gaaraan caasimadda Nairobi.

ODM ayaa dooneysa in ay joojiyo muran ka dhex taagan madaxda kowntiyada iyo baarlamaannada taasi oo xisbiga uu sheegay ay dhibaato keentay.

MCA-yada ayaa ka dheg-adeygay amarro uu bixiyey gavnaha Mombaasa Xasan jooho waxaana ay madaxda sare ee kowntiyada ay doonayaan in shaqeeyaan iyaga oo ka madaxbanaan MCA-yada.

Dhanka kale MCA-yada ayaa sheegay in ay jiraan shaqo xumo ka imaaneysa dhanka golaha sare ee kowntiyada taasi wxaana ay sheegeen in xildhibaannada lagu soo doortay codka dadweynaha isla markaasina lala xisaabtamayo.

Maalinimadii Jimcaha ayaa xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna waxa uu warqad u qoray afhayeenka baarlamaanka kowntiga Mombasa Arub Khatri isaga oo ku casuumay kulan ay yeelanayaan hogaanka xisbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here