Ruushka ayaa Isniinta maanta xusaya sanadguurada 5-aad ee goosashada ay Ruushku la wareegeen gacan ku heynta gobolka Crimea ee ka tirsanaan jirey wadanka Ukraine, arrintani waxaa cambaareeyay reer Galbeedka balse waxaa u dabaaldegay Raashiyaan badan.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka qeyb qaadan doona dabaaldegyada iyagu ka dhici doona gacanka Badda Madow, halkaasi oo uu xariga ka jari doono xarun koronto, sida uu shaaciyey aqalka Kremlin-ka.

Moscow ayaa sanadkii 2014 la wareegtay gobolka Crimea waxaana la wareegista ka biyo diiday dalka Ukrain waxaana kala goosigani uu keenay in ay labada dhinac u kala qeybsamaan Bari iyo Galbeed. Waxaa sheegay in arrinta goosashada uu shacbiyad weyn ku helay madaxweynaha Ruushka.

Maalinta 18-ka Maarso ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay in ay tahay maalinta gobolka Crimea uu dib ula wareegay Ruushku.”

Madaxda wadanka Ruushka ayaa dabaaldegyo ku soo bandhigay wadooyinka caasimadda Moscow iyaga oo feestooyinkaasi ugu magac daray feestadii Crimea ama “Crimean Spring” taasi oo lagu bandhigay aqalka Kremlinka tartamo isboorti, riwaayado, loollan cuna karis, bandhig sawirro iyo bandhigyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here