Wadanka Iiraan ayaa u yeeray danjirihiiisa ka fadhiyey dalkani Kenya sababo la xiriira go’aankii maxkamadeed ee lagu xiray labo qof oo Iiraan u dhashay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Iiraan oo lagu magacaabo Bahram Qassemi ayaa Axadii shaaca ka qaaday warkani.

Iran waxa ay sidoo kale warqad cabasho u gudbisay safiirka Kenya u fadhiya magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan waxaana dowladda Iiraan ay sheegtay in ay ka xun tahay go’aanka maxkamadeed ee lagu xiray labada qof ee Iiraaniyiinta ee lagu kala magacaabo Ahmad Abolfathi iyo Seyed Mansour Mousavi.

Sanadkii 2016, ayaa garsoore Kenyaan ah hoos u dhigay xabsi daa’in raggani lagu xukumay kadib markii la soo sheegay in ay labadani qof qorsheynayeen in ay weeraro bombaanooyin ka geystaan Bariga Afrika. Waxaa xukunkooda hoos loogu soo dhigay ilaa 15 sano oo xarig ah.

Kiiskan ayaa dhaliyey shaki weyn oo ah qorshaha ay Iiraaniyiintu damacsanaayeen ee ahaa in ay ay weerar ku qaadaan bartilmaameedyo ku yaal gudaha dalka.

Waxaa la sheegay in raggani ay xiriir la lahaayeen maleeshiyaad argagixiso ah oo mid lagu magacaabo Quds Force, oo qeyb ka ah ciidammada dowladda Iiraan ee lagu magacaabo jamhuuriga, sida ay baarayaasha Kenyaanku sheegeen.

Raggani ayaa la qorsheynayey in la sii daayo ka hor inta aaney maxkamaddu garowsanin in ay xukunto.

Dowladda Iiraan ayaa shegtay in ay ka xun tahay in raggani mar kale dib loo xiro, iyadoo lagu wadey in Jimcahii la soo dhaafay la sii daayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here