Dowladda ayaa sheegtay in 1.2 milyan oo qof ay dhimasho qarka u saaran yihiin kadib macaluul soo wajahday.

Isugeyn tiro dhan 14.7 milyan ayaan heysan wax ay quutaan iyada oo abaaro daran ay wajahayaan dadkaasu.

Waaxda Qaran ee Maareeynta abaaraha ayaa arrimahan ku eedeysay in ay ka dhasheen roobab aan di’in mudooyinkii ugu dambeysay, cuduro dillaacay, weeraro ay soo qaadeen cayayaanka anyaxa loo yaqaan iyo amni darrada ka jirta degaanno badan.

Waaxda ka hortagga abaaraha ayaa sheegtay in bulshooyinka ku dhaqan 12 kownti ay khatar ugu jiraan amni xumo kowntiyadaasi heysata kuwaasi oo ilahooda dhaqaale ay halis ku jiraan.

Warbixinta abaaraha oo warbaahintu heshay ayaa waxa ay sheegaysaa in dhulalka qalalan iyo kuwa dhexdhexaadka ah ay wajahi doonaan biyo yari iyo xoolaha oo dhimanaya.

Kowntiyada abaaraha ay ku dhufteen waxaa ugu horeeya kowntiyada Mandera, Wajir, Turkana, Garissa, Marsabit, Tana River, Makueni, Kwale, Isiolo, Kilifi, West Pokot iyo kowntiga Kajiado.

Waaxda maareynta abaaraha ayaa shegtay inay dowladdu ku kharashgareysay lacag dhan ilaa 1.7 bilyan si loo daweeyo dadka iyo xoolaha loogana haqab tiro dhinacyada biyaha iyo cunnada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here