MCA-yada kowntiga Mombaasa ayaa doonaya in su’aalo la weydiiyo ku xigeenka gaavanaha Mombaasa William Kingi.

Waxa ay codsadeen in uu ka soo hormuuqda baarlamaanka kowntiga Mombaasa si uu sharaxaad uga bixiyo 150 milyan oo loogu talo galay in lagu qarash gareeyo deeqaha waxbarasho ee kowntigaasi.

MCA-yada ayaa maalinimadii shalay sheegay in aysan ku faraxsaneyn markii ay waaxda waxbarashada ay sheegtay in ay sugayaan maaliyadda dhanka waxbarashada ee kowntiga si loo soo daabaco foomamka codsiyada waxbarashada sare. MCA-yada oo ah wakiillada degaannada ayaa sheegay in sidaan oo kale la sameeyay bishii Janaayo isla markaasina ay weli dadku sugayaan wixii la siin lahaa.

Waxa ay arrinta u gudbiyeen MCA-ga lagu magacaabo Raphael Musumba.

Golaha wakiillada ee ismaamulka Momba ayaa si wada jir ah u diiday sharaxaad uu miiska soo saaray gudoomiyaha guddiga waxbarashada ee ismaamulka Mombaasa Ibrahim Omondi.

Golaha wakillada ayaa sheegaya in lacago hore oo dhan 150 milyan la helay si dhanka deeqaha waxbarashada loogu, waxaana ay ka shakisan yihiin in la isdaba mariyey lacagahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here