Booliska ayaa xabsiga u taxaabayu mas’uulka haweenka ee kowntiga Laikipia Mrs. Catherine Waruguru.

Ms Waruguru ayaa laga soo qabtay hoteelka loo yaqaan Sportsman’s Arms ee magaalada Nanyuki.

Xirataanka ayaa ka dambeeyay kadib markii ay mas’uulku gadood ka muujisay xiritaan la xiray dad ku shaqeysanayey gawaari noocyadoodu kala yihiin Probox iyo Sienta kuwaasi oo boolisku sheegeen in baabuurtaasi lagu qaban qaabinayey banaanbaxyo looga soo horjeeday booqasho uu degaanka ku tegayey wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi.

Dr Matiang’i ayaa isagu Nanyuki u tegay kulamo isdaba joog ah oo dhanka amniga ku saabsan oo uu la yeeshay hogaamiyeyaasha kowntiga Laikipia.

Ms Waruguru ayaa iyadu markeedii hore boolisku isku soo arkeen hotelka Vineyard Hotel halkaasi oo dood kulul la is-dhaafsadeen iyada iyo OCS-ka saldhigaasi taliye Cabdi Cali.

Mas’uulka haweenka ee kowntiga Laikupia Ms Warugaru ayaa ku dooday in boolisku ay xireen dad ganacsato ah oo howshooda si caadi ah isaga watey.

Mas’uulka haweenka ayaa markii la xiray kadib la sii daayey kadib markii uu hoteelka ka baxay wasiirka amniga.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ay soo xiri doonaan Warugaru mar kale si su’aalo looga weydiiyo arrimo kala gedisan oo aan la cayimin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here