Madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gaaray magaalada caasimadda u ah wadanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Wefidga madaxweynaha Jabuuti ayaa ka koobnaa 4 wasiir, 9 xildhibaannada Jabuuti ah iyo saraakiil sar sare, fanaaniin iyo abwaanno Jabuutiyaan ah.

Markii ay gegida Aadan Cadde ka degeen ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay madaxweynaha wadanka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa la sheegay in uu xariga ka jari doono safaaradda cusub ee Jabuuti ee ku taal caasimadda Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdulcasiis.

Safaaraddani Jabuuti ayaa la dhagax dhigay 2017-kii.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu booqan doono ciidanka Hiil-walaal ee Jabuuti ee iyagu ku sugan saldhigyada gobolka Hiiraan ee ismaamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here