Kadib markii Kenyaan badan ay u kicitimeen dalka Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dadka halkaasi aaday ay dalkooda ku soo noqon doonaan iyaga oo aan wadin meydadkii qaraabadooda ku dhintay qaraxa diyaaradeed.

Waxaa ay sheegeen in aysan wax ay ku jawaabaan aysan heynin, kadib markii ehelkooda ay ku dhex baaba’een qaraxii diyaaradda 737 Max eek u burburtay degaanka Bishoftu ee Itoobiya.

Goobta ay diyaaradu ku dhacday oo ah tuulo yar oo lagu magacaabo Bishoftu, 60 oo dhanka Koonfur kaga began caasimadda Addis Ababa baareyaasha ayaa weli ku mashquulsan goobaha uu yaallo burburka diyaaradaasi oo nooceedu aheyd Boeing 737 MAX 8.

Waxaa la waayey gebi ahaanba wax yar oo xitaa meydadka dadka ah waxaana aad loo baadigoobayaa weli wax yar oo dadkii geeriyooday lagu aqoonsan karo. Ma jiro jir bani’aadam oo burburka laga helay, taasi oo dadkii goobta gaarey ka fajacisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here