Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee IEBC-da Wafula Chebukati ayaa 30 milyan oo shillinka dalka ah ku bixin doona socdaal uu ku mari doono 6 wadan.

Kamishineerada IEBC-da ee kala ah Abdi Guliye iyo Boya Molu ayaa iyagu ku jira qorshaha safarkani oo isagu lagu tegayo wadanka Koonfurta Afrika.

Dalkaasi ayaan laheyn xarumo degaaneedyo (Constituencies) waxaa dadku isweydiinayaan meesha ay ku baxeyso lacagtaani faraha badan ee lagu bixinayo safarrada lacagaha badani ku baxayaan.

Weli wax xog buuxda ah lama hayo waxaase guddiga IEBC ay sheegeen in ay booqan doonaan ilaa 6 dal oo uu ku jiro dalka Mareykanka, safarka ayaa bilaabanaya Isniinta bisha maarso 25-keeda.

Wadammada kale ee ay booqanayaan waxaa ka mid ah Australia, Canada, India, South Africa iyo Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here