Baarlamaanka wadanka Raashiya ayaa Arbacadii ansixiyey qodob dhigaya ganaax cusub oo lagu soo oogi doono qofkii aflagaado u geysta dadka madaxda ah ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale aan la ogolaan doonin in Baraha Bulshada lagu faafiyo warar been abuur ah, haddii arrimahani la iska indha-tira ama sida tooska ah dowladda uga soo horjeeda ayaa waxaa ay wajahi doonaan tillaabo toos ah oo dowladdu ay ku turxaan bixiso qoraalladooda ama eedaha ay barahaasi ku jeediyaan.

Hindise sharciyeedkani ayaa haatan u baahan oo keliya in ansixin iyo saxiix laga helo madaxweyne Vladimir Putin, sharcigaasi oo intaa kadib hirgeli doona. Arrimahani ayaa la sheegay in ay cod sare ka heleen aqalka sare. Waxaana la sheegay in kumanaan dad ahi ay sharcigaasi ka gadoodeen iyaga oo diiddan internet-ka la xadidayo.

Sharciga waxaa ku jira in 10.000 lacagta Rubles ah (kun iyo shan boqol oo doolar) lagu ganaaxayo dadka baraha bulshada ku aflagaadeeya qaranka, madaxda, dadweynaha guud, calanka Raashiya ama dastuurka. Dadka ku celiya dembi ay galeen ayaa muteysan doona 15 beri oo xabsiga lagu heynayo.

Qeybta labaad ee sharciga ayaa awood u siinaya madaxda in ay hawada ka saaraan website-ka ku guuldareysta in uu u hogaansamo codsiyada loo soo gudbiyo ee ku saabsan in uu xog ka tirtiro website-ka, xogtaasoo dowladdu u aragto in uu halis yahay.

Shaqsiyaadka ayaa lagu ganaaxi doonaa ilaa 400,000 oo rubles oo doolar ahaan dhan ($6,100) haddii lagu qabto iyaga oo war been ah ku faafinaya baraha internet-ka waxaana uu qofkaasu wajahi doonaa dacwad maxkamadeed oo ah “Rabshad kicin baahsan oo uu kaga horyimid danka bulshada”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here