Nin ka tirsanaa argagixisada loo yaqaan Garabka-Midigta oo filim iska duubay isaga oo dilaya dad masaajid ku tukanayey ayaa maxkamad la soo taagay.

Ninkaasi ayaa maxkamadda horteeda laga sheegay in uu xasuuqay dad masjid ku tukanayey oo tiradoodu aheyd 49 qof.

Ninka ayaa ka soo hormuuqday maxkamadda isaga oo dhar cad loo xiray maalinimadii Sabtida waxaana maxkamaddu aqbashay dacwadda ah in uu dil geystay.

Brenton Tarrant ayaa ah 28 jir u dhashay wadanka Australia waxaana loo sii taxaabay dhanka xabsiga. Maxkamaddu ma aysan sheegin wax kale oo loo heysto waxaana ay soo daliishatay in uu dil geystay xilli la filayey in dacwado kale oo badan ay soo baxaan.

Ninkani ayaa ahaan jirey nin goobaha jirdhiska macallin ka ahaa waagii dambena isku bedelay nin Faashiiste ah waxaana ninka uu mar mar uun soo eegayey dhanka kaamerada meediyaha, waxaana la sheegay in dadweynaha aan loo ogolaanin in ay dhegaysiga maxkamadda ka soo qeybgalaan sababo la xiriira dhanka amniga.

Brent oo labada dhinac ay boolis hubeysan ka taagnaayeen ayaa bixinayey baaq uu madaxa u ruxayey maxkamadda isaga oo laga dareemayey in uu raalli ka yahay go’aan kasta oo maxkamaddu ku qaado waxaana uu madaxiisa hadba kor iyo hoos ugu ruxayey ‘Okay’ taasi oo ay isticmaalaan kooxaha xagjirka ah ee Cadaanka cunsuriyaddu ku weyn tahay.

Ma uusan codsan in lagu sii daayo ganaax lacageed waxaana loo sii wadey xabsiga halkaasi waxa uu ku sugi doonaa maxkamadeyn kale oo la filayo in ay dhacdo bisha Abriil 5-teeda.

Meel aan sidaa uga fogeyn waxaa ka agdhow isbitaalka oo ay yaallaan 39 ruux oo dhaawacyo uu u geystay intii uu socday xasuuqa uu geysanayey.

Waxaa dadka isbitaalka yaalla ka mid ah canug labo jir ah iyo gabar 4 jir ah kuwaai oo xaaladoodu nololeed ay khatar ku jirto.

Dhaqaatiirta dadkani daaweynaysa ee isbitaalka Christchurch ayaa soo sheegay in ay dhaawaca la tacaalayeen ilaa xalay 12-kii habeennimo si loo badbaadiyo dadka dhaawaca ah.

Waxaana la soo bandhigayey qalliino waaweyn si loo badbaadiyo dhaawacyada culus badankood, waxaana dadkii la xasuuqayey ay qaarkood dhaawacu ka soo gaaray maskaxda oo rasaasi kaga dhacday.

Hadal ay jeedisay ra’iisul wasaaraha New-Zealand Jacinda Ardern ayey ku sheegtay in weerarada ka dhacay masaajidyada Al Noor iyo Linwood lagu qiyaasay in ay yihiin weeraradii ugu darnaa ee ebid lagu qaado dadka muslimiinta ah ee ku nool wadammada reer Galbeedka, waqtiyada casriga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here