Wasiirka beeraha Mwangi Kiunjuri iyo wasiirka dowlad-wadaajinta dalka Mr Eugene Wamalwa, ayaa maalinimadii Khamiista galay xaalad adag kadib markii loo kaxeeyay xarunta dembi baarista dalka halkaasi oo lagu bilaabay su’aalo weydiin.

Waxa ay muddo saacado ah ku xayirnaayeen xarunta agaasinka dembi baarista dalka ee DCI-da halkaasi oo lagu weydiiyey in ay sheegaan halka ay ku dambeysay lacagtii 21-ka bilyan aheyd ee loogu talo galay in ay shirkadda CMC Di Ravena ku dhisto labada Biyo-Xireen ee Kimwarer iyo Arror.

Labada wasiir ayaa iska fogeeyay fadeexadaasi waxaana ay sheegeen in ay yihiin kuwo aan waxba galabsanin.

Waxa ay sheegaan in ay ku kalsoon yihiin qaabka loo weydiiyey su’aalaha looguna yeeray iyaga si ay kaalmo uga geystaan baaritaannada soconaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here