Dad tiro badan ayaa lagu dilay toogasho laga geystay masjid ku yaal magaalada Christchurch ee dalka New-Zealand, maanta oo Jimce ah.

Goobjoogeyaasha aya sheegaya in weli boolisku aaney garowsanin inta uu la egtahay khasaaraha toogashada.

Waxa ay boolisku ku booriyeen in dadka ay ku sii jiraan masaajidka inta mixnaddu ka istaageyso.

Warbaahinta dalka New Zealand ayaa soo werisay in toogasho ay ka dhex dhacday masjid labaad ee isna ku yaal duleedka magaalada Christchurch.

Goobjooge lagu magacaabo Len Peneha ayaa sheegay in uu arkay nin lebisan direys madow ah kaasi oo sii galaya masaajidka Masjid Al Noor oo ku yaal bartamaha magaalada Christchurch abaarihii 13:45 kadibna uu maqlay rasaas daran-doori ah, iyo dad soo kala cararaya.

Peneha, oo isagu ku nool meel ku dhow masjirka ayaa sheegay in ninkii dableyda ahaa uu isaga oo ordaya ka soo baxay masaajidka isaga oo watey qori fudud.

Warfaafinta ayaa sheegaysa in masjidka Al-Noor lagu dilay 9 Qof.

Markhaatiyaasha ayaa sheegaya in ay jiraan dad badan oo lagu dilay masjidka gudihiisa, waxa ay sheegeen in dadka dilka geystay ay ahaayeen dad cadaan ah, iyadoo dadka dilka geystayna ay u tababarnaayeen sida milleteriga oo kale.

Majalada ka soo baxda dalka News Zealand ee lagu magacaabo ‘The New Zealand Herald’ ayaa saaka soo werisay in toogasho labaad ay dhacday laguna bartilmaameedsaday masjidka Linwood Masjid.

Weerarka masaajidka ayaa lala beegsaday dad tukanayey salaada Jimcaha, dadka tukanayey ayaa tiradoodu dhammeyd ilaa 300 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here